Untitled document

::Aragtida Dadwaynaha/Latest Opinions::

“Cumar Cabdirashiid Waa Riyo-ku-nool Aan Xaqiiqada Dhabta ah La Socon.” War-saxaafadeed:- -Qore: Jaamac Yaasiin Faarax
Hargo madhan side,hawli kama tegin,habaarna u dheer!!,wacdarihii NSUM ee Muqdisho. -Qore: NEWS
Puntland"Walee Cirid AAn Arko Ilka Kama Soo Socdaan" Fallo Siyaasadeed -Qore: Jaamac Feyte
NSUM OO KU FASHILANTAY SHIRKA NAIROBI -Qore: Qaydar Galool
Sh.Shariif Waa Caqligii Cadbillaahi Yuusuf oo Koofiyad Wadaad Sita -Qore: Adan Omar
Fikradihii hore/Latest Opinions::

Baaq Ay Soo Saareen Waxgaradka Beesha Absame Oo ku Socda xildhibaan Cabdirashiid Xiddig

Waxaan aad ula yaabnay markaan maqalnay hadalada ka soo yeeray mudane Xiddig oo dadweynaha Jubooyinka ay u hanweynaayeen. Xiddig oo waagii ay maamulka Puntland u dhiibeeen Itobiya qaar ka mid ah shacabka halkaa dagan ee reer Ogadenya aadka uga dhiidhiyay inuu maanta ku hadlo ereyo uu ku taageersan yahay Faroole dadka shacabka ee Boosaaso inta lagu qabqabto ka dibna dambiga looga dhigayo waxay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF aad baan uga xunahay. Waxayna na soo xusuusisay siyaasadihii ay 60maadkii ku dhaqmi jireen qaar ka mid aha siyaasiyiinta Jubbada Hoose oo marka ay doonayaan jaga wasiirnimo hoos galgalan jiray Majeerteenka.
07-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
   

::Wararka Kale/Other News::
Daawo xaflad tacsi ah oo Laascaanood loogu sameeyey sarkaalkii qaraxa lagu dilay.Video.
Laascaanood-Waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gooblka Sool lagu qabtay xaflad tacsi ah oo la sameeyey ala ha u naxariistee marxuun Korneyl Cusman Yuusuf Nuur,oo bam lagu qariyey wadada dhinaceeda ku geeriyooday.Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen Garaado,Cuqaal,madaxda dawlada,iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada waxa ay dhamaan tacsi u direen qayskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuunkaasi.
06-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliland iyo taliyaha ciidanka oo kulan la qaatay dadka reer Laascaanood
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyaha Ciidanka Nuux Ismaaciil Taani ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha,ciidamada amniga iyo guud ahaanba shacabka reer Laascaanood,iyagoo safarkoodu la xidhidhay tacsida marxuunkii dhowaan ku geeriyooday magaalada Laascaanood,oo ahaa taliyihii qaybta 12-aad ee ciidanka.
04-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Qaraxyo iyo rabshado ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe caawa
Qarax bamgacmeed ah iyo rabshado ayaa maanta ilaa caawa ka dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee maamulka Puntland kaasoo lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen ciidamada sirdoonka Puntland magaalada Garoowe,meesha ay sidoo kale laba qarax oo kala danbeeyey ay ka dhaceen Saldhigyada Biyo Kulule iyo Baalade ee magaalada Bosaaso.
04-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Maxakamada Boosaaso oo xadhig u dhexeeya 10-15 sano ku xukuntay culimo lagu eedeeyey Alshabaab.
Makadmada Magaalada Boosaasoa ee maamulka Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 6 nin oo ka mid ahaa culimada deegaankaas,oo ay ciidamada amnigu ka qab qabteen horaantii bishii tagtay magaalada Boosaaso ku eedeeyeen in ay xidhiidh la leeyihiin Dhaq dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab. -Ragaas oo ay ka mid ahaayeen culimo caan ka ah deegaankaas,iyo weliba dhalinyaro ganacsato ahayd ayaa waxay kala yihiin:
03-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Idaacadaha Horseedmedia,SBC,RadioGarowe,Daljir,ETN Ayaa Noqdey Kuwa U Afduuban Maamulka Puntland .
Degaanada puntland waxaa ka howlgala idaacado iyo Tv kuwaas oo ay ka howlgalaan wariyaal fara badan , oo diyaar u ah inay Wararka u soo gudbiyaan bulshada ay u shaqeynayaan , , hadaba markaad dhinacyo badan fiiriso saxafada ka howgasha degaanada Maamul Gobaleedka puntland Ayaa noqtey Mid Baal martey Sharcigii saxafada.
03-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Odayayaasha Buuhoodle oo ku tilmaamay ninkii sheegtay qaraxii Laascaanood nin xanuunsanaya.
Shir saxaafadeed ay soo saareen odyaasha iyo waxgaradka magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in ninka sheegtay inuu ka danbeeyey qaraxii Laascaanood,isla markaana sheegay inuu sameeyey urur uu ku tilmaamay "JNM" uu runtii yahay nin madaxa lagaga jiro oo mudo xanuunsanayey,isla markaana aanu jirin urur ka jira Buuhoodle oo Somaliland la dagaalamaya.
02-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Ragii reer Ogaadeeniya ee lagu hayey xabsiga Boosaaso oo midi jir dil u dhintay xabsiga gudihiisa.
Ala naxariiste jano ha ka waraabiyee waxaa xabsiga Boosaaso ku geeriyooday mid ah 4-tii nin ee reer Ogaadeeniya ee lahttp://kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/editor_images/bold.gifgu hayey xabsiga Boosaaso ee dhowaan iyaga oo ka yimid dhinaca qaxootiga Yemen ay xabsiga u taxaabeen ciidamada PIS-ta Puntland,iyagoo mid ka mid ahna gacanta u geliyey cadowga Itoobiya.Marxuunkaas ayaa sida ay noo xaqiijiyeen dad ehelkiisa ah oo ku sugan Boosaaso,waxa uu u dhintay jir dil lagu hayey ilaa maalintii la qabtay,iyada oo ay xabsiga ugu imaan jireen ciidamada sirdoonka Itoobiya,si ay uga helaan xog ku saabsan jabhadaha la dagaalama Itoobiya.
03-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Halkan ka daawo filim muujiniya qaraxyadii ka dhacay Laascaanood.Video.Daawo.
Waxaa ka dhacay qarax keenay dhimasho iyo dhaawacba magaalada Laascaanood shalay subax,waxaana ku dhintay sarkaal ka mid ahaa ciidamada Somaliand,waxaana ku dhaawacmay qaar kale oo ay ku jiraan dad shacab ah.Hadaba waxaad xaga hoose ka daawan kartaan Video muujinaya sidii wax u dhaceen iyo goobihii qaraxyadu ka dhacee.Daawasho wacan.
02-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Xubno ka kala socda Baarlamaanka Somaliland,Puntland iyo kan DKMG oo jabuuti shir uga furmayo.
Xubno ka tirsan Baarlamaanada Somaliland,kan Puntland iyo weliba kan DKMG ayaa lagu casuumay shir ka furmaya magaalada Jabuuti,shirkaasoo aan ilaa hada la garan karin ujeedadiisa dhabta ah. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Barnaamijyada Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP, waxa lagu martiqaaday 12 xubnood oo ka tirsan golaha Wakiillada iyo iyo weliba golaha guurtida ee Somaliland. Shirkan oo lagaga hadlayo sidii qorshe loogu dejin lahaa Dadka la nool xanuunka HIV/AIDS, waxa martiqaadka xubnaha Baarlamaanka ka tirsan loo maray qaab aan Shirguddoonada labada gole laga talogelin, iyadoo Komishanka AIDS-ku sida la sheegay suuqa ka qortay magacyada 12 xubnood ee lagu martiqaaday shirkaas oo sida qorshuhu yahay 4 maalmood ka socon doona Caasimada Dalka Jabuuti.
02-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Madaxweyne Rayaale oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Laascaanood,tacsina u diray dadkii ku waxyeeloobay
Hargeysa-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ka hadlay qaraxyada ka dhacay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool,qaraxaas oo uu ku geeriyooday alaha u naxariistee Taliyihii Qeybta 12-aad Cismaan Yuusuf Nuur ,isla markaana ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 6 qof oo kale oo laba ka mid ahi ay ka tirsan yihiin Ciidanka Somaliland,meesha inta kalena yihiin shacabka magaalada oo ka ag dhowaa meesha qaraxaasi ka dhacayMadaxweyne Rayaale ayaa sheegay in xukuumadu ay tallaabo adag ka qaadi doonto cidii ka dambaysay laba qarax oo qorshaysnaa oo ka dhacay magaalada Laascaanood.
02-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Wararkii ugu danbeeyey ee qaraxyadii ka dhacay magaalooyinka Laascaanood iyo Boosaaso.Warbixin.
Laascaanood-Waxaa ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool qaraxyo xoogan oo ka dhacay dhinaca bari ee Magaalada,agagaarka xaruntii hore ee Jaamacada Nugaal oo u dhow Hotel Dhiif,halkaas oo uu ku geeriyooday taliyihii qaybta 12-aad ee ciidamada Somaliland oo lagu magacaabi jiray Korneyl Cusman Yuusuf Nuur. Qaraxaas oo ahaa mid la hagayey oo si gaar ah loola beegsaday marxuunkaas iyo gaadhigiisa,ayaa waxa sidoo kale dhaawac ka soo gaadhay ugu yaraan 5 ruux oo rayid ah iyo dhowr askari oo ka mid ah ilaaladii sarkaalkaas,iyadoo dhaawacii loo qaaday dhinaca Hargeysa oo lagu dabiibayo.
02-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Nabadoon Kasoo Jeeda Gobolka Hiiraan Oo Xalay Lagu Diley Bartamaha Magaalada Gaalkacayo
Nabadoon lagu magacaabi jirey Maxamed gacal islamrkaana kasoo jeeday gobolka Hiiraan ayaa xalay dabley Hubaysan oo wejiyada soo qarsaday ku dileen xaafada israac ee waqooyiga magaalada gaalkacayo ee ay ka taliso maamulka puntland .
01-Nov-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Faroole oo shaqo nabadeed ugu amray inay Garaadada ku sugan Garoowe ugu baxaan Bari.
Madaxweynaha Puntland mudane Faroole ayaa isimo iyo garaado ay ka mid yihiin,Islaan Ciise Islaan Maxamad Garaad Saleebaan,Garaad Cabdulahi Cali Ciid,Garaad Cabdulahi Ciise,Garaad Cabdulahi Soofe,Garaad Maxamad Cilmi Shirwac,Garaad Maxamud Mashqare ,Ugaas Maxamud Siciid waxa uu shaqo ugu diray dhinaca gobolka Bari si ay ugu qayb qaataan hawlaha dawladu ka wado degaanada colaadu ka taagan tahay.
30-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Suldaan Afgaduud oo weliga xabsiga lagu hayo,kadib markuu ka hadlay xadhiga dadka reer Ogadeniya.
Suldaan C/casiis Yuusuf Maxamud Afgaduud oo ka mid ahaa Suldaamada ugu caansan Puntland ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay kadib markii uu Warbaahinta ka sheegay dad ehel iyo qaraabo ah oo ka soo jeeda Ogaadeeniya oo xabsiga loo taxaabay,qaarna cadowga Itoobiya gacanta loo galiyey. Ehelka Suldaankan oo la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyay in boliiska magaalada Boosaaso ay xabsiga u taxaabeen Suldaan Afgaduud kadib markii ay ku eedeeyeen inuu warbaahinta u sheegay xadhig Puntland ay u geystay 5 nin oo lagu tuhmay inay ka tirsanaayeen ururka ONLF oo la sheegay in lagu xidhay gudaha Puntland. Boliiska Puntland ilaa haatan iyagu kama aysan hadlin xadhiga suldaankaasi.
30-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Somali man, 112 years old weds girl, 17 years old.
Hundreds of people have attended a wedding in central Somalia between a man who says he is 112 years old, and his teenage wife. Ahmed Muhamed Dore - who already has 13 children by five wives - said he would like to have more with his new wife, Safia Abdulleh, who is 17 years old. "Today God helped me realise my dream," Mr Dore said, after the wedding in the region of Galguduud. The bride's family said she was "happy with her new husband".
30-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Ciidamada Somaliland oo gaadhay degmada Buuhoodle.Daawo Sawirada.
Ciidanka maamulka Sl ayaa gaadhay magaalada Buuhoodle iyada oo uu horkacayo Col. Axmed Maxamed Aadan Guul ( Dalbac) ayna weheliyaan saraakiisha ay ka mid yahiin Col Ismaaciil Xaashi Huruuse, Col Maxamed Sh cabdi Dabcasar (Tuur) & Capt Cali Ducaale ayaa waxa ay saaka socdaal ku kala bixiyeen daafaha magaalada Buuhoodle, halka sidoo kalena ay tageen goobtii laga xaadhayey maalmahan garoonka diyaaradaha inkastoo xiligaasi aanay la kulmin wax dadweyne ah oo la xusi karo oo goobtaasi joogay.
29-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
C/qaasim Salaad Xasan Oo Sheegay Inuu Wado Dadaalo Lagu Heshiisiinayo Shariif Iyo Sh,Aweys
Madaxweynihii hore ee dowladii TFJ-da Dr.c/qaasim salad xasan ayaa shaaca ka qaaday inuu mudooyinkanba wadey dadaalo uu ku doonayo inuu ku mideeyo Dowlada FKMG ah ee shariif sh,axmed iyo weliba Ururka xisbul islaami oo uu hogaanka u hayo sh,xasan daahir aweys .
29-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Raysalwasaare Sharma,arke Oo Walaac Ka Muujiyey In Xukuumadiisa Ay Inqilaabaan Xoogaga Islaamiga ahi
Raysal wasaaraha xukuumada KMG ah cumar c/rahsiid cali sharma,arke ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada nada gelyo ee ka gudaha wadanka soomaaliya gaar ahaan caaismada muqdisho islamarkaana tilmaamay inay saldhigyo milatari ku leeyihiin xoogag islaami ah oo aan la loodin Karin .
29-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Machadka Waxbarashada & Nabadda ee Ileys oo Dadaal sameeyey taageerana u Baahan (Daawo Sawirada)
Waxbarashada & nabadda ee Ileys ee deegaanka Buuhoodle oo ah machadkii ugu horeeyey ee dhanka waxbarashada qaabilsan ee laga aasaaso deegaamada SSB ayaa waxa uu hadda sameeyey dadaal dheeraad ah oo ku aaddan waxbarashada dadka waaweyn gaar ahaan kuwa naafada ah oo uu u furay waxbarasho bilaash ah,
29-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Mahad Celin ka Timi eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooda Alla ha naxariistee Xaaji Maxamed Yuusuf
Anagoo ku hadlayna magaca Qoyskii,eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooda Alla ha naxariistee Xaaji Maxamed Yuusuf Cilmi Geedeeye oo Jimcihii 23/10/20009 ku laga aasay magaalada Hargeysa.
28-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Johannesburg: Kulan lagu Cambaareyey dadka reer Ogadeeniya ee Puntland cadowga gacanta loo geliyey
Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen dad farabadan oo kasoo jeeda beesha Absame ayaa ka dhacay magaalada Johannesburg kullankaasi oo si weyn loogu cambaareeyey rag beeshani kasoo jeeda oo sida la sheegay dooni laga degey Puntland kadibna xabashida loo gacan galiyey.
28-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Wiil Soomaaliyeed oo lagu toogtay magaalada Miniapolis ee Maraykanka
Habeenkii isniinta ee taariikhdu ahayd (Oct 26, 2009) ayaa wiil Soomaaliyeed waxaa lagu diley magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Marxuunkaas ayaa waxa magaciisa la odhan jirey Cali Yaasiin Ismaaciil,waxaana da’diisu ahayd 23-jir. Wiilka waxaa la toogtay isagoo dhex fadhiya gaadhigiisa oo markaas taagnaa meel gawaadhida la dhigto oo ku taal wadada Groveland Avenue iyo Nicollet Avenue ee magaalada Minneapolis,saacadu markay ahayd qiyaastii 1 a.m,wakhtiga gobolka Minisotta,USA.
28-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Faroole oo qaar ka mi ah Mucaaradkiisa Wada hadal la Galaya.
Madaxwayne C/raxmaan Faroole ayaa warar Hoose sheegayaan inuu wada hadal Hoose la galay qaar ka mid ah Mucaarad xukuumadiisa Fara baas ku haya, kuwaasi oo leh, qaybaha kala duwan ee Bulshada.
27-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
TACSI KA TIMI MAAMULKA IYO WAKIILADA SHIRKADA DAHABSHIIL U.S.A (GEERIDII XAAJI MAXAMED GEEDEYE)
Annagoo ah maamulka iyo wakiilada shirkada Dahabshil USA waxaan tacsi u diraynaa dhamaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Alla ha u naxariistee Xaaji Maxamed Yuusuf Cilmi (Geedeeye) oo 23/10/2009 ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Waxaan marxuunka Ilaahay uga baraynaa naxariistiisa jano inuu ka waraabiyo, idilkeena samir iyo iimaan inaga siiyo.
27-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Al-Shabab oo heshiis kala dhex dhigay Beelihii ku dagaalamayay xadka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Gogol nabadeed oo maanta ka dhacday Degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa heshiis buuxa ku gaalay beelo walaalo ah oo colaad gaamurtay u dhaxeysay sanadihii u dambe-eyay, taasoo aheyd mid soo noq noqotay kadib xal aan caga adag ku taagneyn oo ay wada gaari jireen beelahaas, kadibna ay gadaal ka bur buri jireen.
27-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
INAA LILAH WAA INAA ILAIYHUU RAJICUN TACSI MAXAMED YUUSUF CELMI GEDEEYE
Waxaa Tacsi diraya dadka magacyadoodu hoos ku quran yihiin dhaman ehelka reer Kore iyo elma Cawad Guleed
26-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Xabsiga Magaalada Boosaaso oo ay ka dhacdey fadeexadii Abu Ghraib oo kale (Codka Dhegeyso)
Maamul Goboleedka Bariga Soomaaliya ee Puntland ayaa beryahan wadey falgalo ka dhan ah Shacabka Ogadeniya ee ka soo barakacay xasuuqa ay Itoobiya ka wado Ogadeniya. Falgaladan oo maamulka Puntland ugu adeegayo Xukumada Itoobiya.
26-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Tacsi :Inaa Lilaahi Wa inaa ilayhi Raajicuun!!Caaqil Xaaji Ciise Aw-Cumar X.Xirsi oo geeriyooday.
Caaqil Xaaji Ciise Aw-Cumar Xaaji Xirsi oo ka mid ahaa Caaqilada ugu muhiimsanaa gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,isla markaana ahaa Sheekh caan ka ahaa deegaanadaas ayaa dhowaan ku geeriyooday magaalada Hargaysa,halkaas oo uu arimo caafimaad u joogay wakhtiyadii ugu danbeeyey.Caaqil Xaaji Ciise ayaa waxa uu ka mid ahaa Caaqilada beesha Bahsame/Dhulbahante,waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa wadaad weyn oo si khaas ah dadka ku daweyn jirey quraanka iyo isagoo si weyn ugu takhasusay arimaha qoyska,iyo guud ahaanba arimaha bulshada.
25-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Qaar Ka Tirsan Ciidamada Dowlada FKMG ah Oo Dhac Iyo Boob Ka Gaysta Degmada Wadajir Ee Muqdisho
Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Wadajir ee casimada Muqdisho ayaa cabasho xoogan ka muujiyey dhac iyo boob ay u gaystaan qaar ka tirsan ciidamada dowlada FKMG ah islamrkaana ku lebisan dharka ciidamada dowlada .
25-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Waxanu Tacsi U Dirayaa Eheladii, Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Xaaji Maxamed Geedeeye
Jaaliyada Reer Virgiania oo Dhambal Tacsiya oo tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka Geeriyoodey Alle ah uu Naxariiste Xaaji Maxamed Geedeeye,oo Shalay ku Geeriyoodey Magaalada Hargeysa waxanuna Marlabad uga Tacsiyadeynayana Dhamaan Reer Geedey Geeridii Naxdinta lahayd ee Ku timi Maalinkii Shalay Aabahood Marxuum Xaaji Maxamed Geedeeye, oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
26-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Ma Jirto Wax Inaga Hor Istaagaaya In Aan Yeelano Somaliland Airways/Airline. By Warancade. Daawo
Marka aanu dhamystirno dhamaan hawlaha madaarka caasimada waxa aanu u gudbi doonaa madaarda kale ee dalka oo hadaba ay iyagana qaarkood dhismayaal ku socdaan, sidaas waxa dhawaan shaaca ka qaaday wasiir warancadde.
23-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Somalia Peacekeepers Accused of Firing Into Civilian Areas
At least 20 people were killed and as many as 70 wounded in Somalia's capital, Mogadishu, during what witnesses say was one of the worst fighting in recent months. African Union peacekeepers are being increasingly blamed for causing deaths and injuries among civilians. Even the most battle-hardened residents describe the early morning fighting between African Union peacekeepers and al-Shabab militants as one of the most frightening battles they have ever seen. One eyewitness, Mohamed Ali, tells VOA he was about to open his shop inside the city's sprawling Bakara open-air market, when artillery shells began raining down all around him.
22-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Sharxaad cilmi ku dhisan oo ku saabsan sababta keenta dhul go'a dhalaamacune ee Kalabaydh.
Dhul go'a ka dhacay dhalaamacune ma aha wax ku cusub dunida, balse waa arin had iyo goor ka dhacda dhulka oo la xidhiidhta dabeecada. Hadaba si aan u hubiyo in ay tahay sida aan u maleenayay ayaan waxaan warqad u qoray nin aan saaxiibo nahay wadana shaqayno oo isgagu ku takhasusay dabeecada dhulka iyo deegaanada oo la yidhaah do Rex Radloff .
22-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 
Xidhibaan Qanyare Oo Puntland Ku Eedeeyey Inay Budhcad Badeeda Dhashay Oo Laga Maamulo Puntland
Xildhibaan maxamed qanyare afrax ayaa si kulul u weeray maamul goboleedka puntland islamarkaana sheegay inay abuureen budh cad badeeda ka qowlaysata xeebaha soomaaliya taasoo uu carabka ku dhuftay inay taageero dhinacyo badan leh siiyaan masuuliyiinta maamul puntland ugu sar sareeya .
21-Oct-2009 ::Warkii oo dhan::
 

 

::
::Waraysiyada/Audio::
 Waraysi Maxamed Cabdi Xaashi.

::Afnugaal Online TV::
Other News