| Libaaxyo Fara kulul ku haya Dadka iyo Duunyada ku dhaqan Gob |
| Warkii 22-Nov-2009 iyo Qormadii: afnugaal New Desk |
Dadka degen deegaamo dhanka howdka kaga beegan magaalada Buuhoodle gaar ahaan deegaano badan oo ka tirsan kililka shanaad ee islaamulka Soomaalida Itoobiya, taas oo ay dadka ka baqayaan ka dib markii ay xeyn libaax ahi maalmo ka hor weerar ku soo qaadeen dadka degen tuulo la yiraahdo Farhareeri oo ka tirsan gobolka Wardheer.
22-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo u Jawaabay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID |
| Warkii 20-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk |
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa si kulul u duray hadal dhawaan uu sheegay Murraxasha jagada Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo uu kaga hadlay Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo.
20-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Baaq taageero iyo xaal marin Beesha habar jeclo oo ku socda SSC. |
| Warkii 20-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk |
kadib markii uu dhamaday shir ay yeesheen Beesha Habar jeclo ayaa waxa ay bahda saxaafada u qabiyeen nuqulo kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkaasi oo lagu taageerayay shirkii Horseed ee beesha SSC laguna canbaaraynayay Boqor Buurmadow.
20-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Koorso gaaban oo ku saabsan maamulka Mashaariicda oo lagu qabtay Jaamacadda Nugaal, Laascaanood |
| Warkii 19-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal New Desk |
so gaaban ayaa habeenimaddii khamiista 18November 2009 lagu qabtay xarunta jaamacadda Nugaal. Kooraskan oo ah mid aad muhiim ugu ah bulshada ayaa waxa loo qabtay dad gaadhaya lababoqol oo qof, oo isugu jira; ganacsatada, ururada bulshada iyo qaar ka mid ah ardayda jaamacadda.
19-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Safaarada Soomaaliya ee Nairobi oo lumisay Diplomaasiyadii Soomaaliya iyo Kenya (Warbixin) |
| Warkii 19-Nov-2009 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho |
Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya ayaa lumisay kalsoonidii shacabka soomaaliyed kadib markii ay Hareer Martay Diblomaasiyadii Dowladda Soomaaliya iyo Kenya.
19-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Wasiirka Gaashaandhiga oo Jawaab Kulul ka bixiyay Hadal ka soo yeedhay M/xigeenka Putland |
| Warkii 19-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk |
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Putland oo ku hanjabay inay weerar ku soo qaadayaan Gobolka Sool.
19-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Qarax dad ku dhaawacmeen oo xalay ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacayo. |
| Warkii 19-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk |
Waxaa habeenimadii xalay lala eegtay bar kantarool oo ay ciidamada maamulka Puntland ku lee yihiin goob u dhow guriga Gobolka ee magaalada Gaalkacayo halkaas oo ay degan yihiin ciidamo Puntland iyadoo qaraxaasi uu ahaa mid si wayn looga maqlayay goobaha ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay.
19-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Xagla-Toosiye"Waxaan nahay reer Puntland"Warbixin kulankii Faroole iyo ururka Nayroobi. |
| Warkii 18-Nov-2009 iyo Qormadii: Hassan Dirie |
Kulan ay ku yeesheen magaalada Nayroobi madaxweynaha Puntland Mudane C/Raxmaan Faroole iyo hogaanka dhowaan beesha SSC ku dooratay magaalada Nayroobi ee uu hogaamiye Saleebaan Xagla-Toosiye oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah wasiirada Puntland iyo waxgarad kaleba ayaa iyadoo shirkii wax yar socda kadib uu albaabka boobay madaxweyne Faroole iyo wasiiradii la socday,iyadoo uu kulankaasi ku dhamaaday hanjabaab iyo iyadoo la isu dhaartay.
18-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Wasiirkii cusbaa ee loo magacaabay wasaaradda isgaadhsiinta ee Somaliland oo xilkii la wareegay. |
| Warkii 18-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk |
Wasiirka cusub ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), ayaa shalay xilkii si rasmi ah ugala wareegay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradaasi Md. Cali Sheekh Maxamed, oo si ku meel gaadh ah u hayay muddo sanad iyo dheeraad ah.
18-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Booyada biyaha macaan ee Laascaanood oo shaqo joojin bilaabay kadib cabasho dhanka canshuurta ah. |
| Warkii 18-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk |
Waxaa saaka ay gabi ahaanba joojiyeen baabuurta booyadaha ah ee magaalada Laascaanood keeni jiray biyaha macaan kuwaas oo ka keeni jiray magaalada Kalabaydh oo Laascaanood dhanka koonfureed kaga beegan 30km iyadoo booyadahani ka cabanayaan canshuuro xad dhaaf ah.
18-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Siminaar Soconayey Sadex Maalmood Oo Ay Ka Qayb Galeen Odayaal Soomaaliyeed Oo Soo Gabagaboobay |
| Warkii 18-Nov-2009 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho |
Siminaar soconayey mudo sadex maalmood ah oo ay soo qaban qaabiyeen ururka xisbul islaami islamarkaana ay ka qayb qaadanayeen odayaal dhaqameed soomaaliyeed oo ku baranayey xoojinta iyo ku dhaqanka shareecada islaamka ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada muqdisho .
18-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Wasaarada Maaliyadda Oo Beenisay Cashuuro La Sheegay Inay Soo Rogtay Oo Aan La Ansixin. |
| Warkii 17-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk |
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Axmed Daa’uud Geeddi, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu waxba kama jiraan ku tilmamay war sheegayay in Wasiirka Wasaarada Maaliyadu uu cashuuro aanu baarlamaanku ansixin ku soo rogay dacwadaha loo gudbiyo maxkamadaha, warkaasi oo uu faafiyey wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii soo baxay 15 November 2009-
17-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Dariiqada Suufiyada Ee La Baxday Ehlu Sunna Oo Madaxweyne Shariif Ku Tilmaamay Mid Marin Habaabay |
| Warkii 17-Nov-2009 iyo Qormadii: xafiiska Muqdisho |
Hogaanka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna waljameeca eek u sugan gobolada dhexe ee soomaaliya ayaa tilmaamay inuu madaxweyne shariif sh,axmed uu yahay nin danaha dadka shacabka ah aan usoo jeedin islamrkaana wata danta shaqsiyadeed .
17-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Deegaanada Koonfurta Jubooyinka Oo Maanta Degan ,Kadib Dagaalo Ka dhacay Shalay |
| Warkii 17-Nov-2009 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho |
Wararka naga soo gaaraya deegaandii ay shalay dagaalada soo noqnoqday ka dhaceen ee degmada xagar oo koonfur galbeed kaga began magaalada kismaanyo ayaa manta degan taasoo ay shalay isku fara saareen ciidamo la sheegay inuu hogaaminayo sarkaal sare oo ka tirsan ururka xisbul islaam iyo weliba xarkada mujaahiidiinta alshabaab ee gobolada jubooyinka .
17-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Ururka Xisbul Islaami Oo Siminaar Lagu Baranayo Shareecada islaamka U Qabtay Odayaasha Dhaqanka Soom |
| Warkii 16-Nov-2009 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho |
Siminaar ay soo qaban qaabiyeen ururka xisbul islaam oo loo qabtay odayaasha dhaqanka soomaaliyeed oo ka koobnaa ilaa konton oday dhaqameed ayaa manta ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqdisho kaasoo lagu soo bandhigay ku dhaqanka shareecada islaamka .
16-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool Cali Sandule oo loo magacaabay wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta. |
| Warkii 15-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk |
Waxaa maanta wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha JSL Daahir Riyaale Kaahin lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sool Faarax Askar iyadoo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed loo magacaabay wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta ee JSL.
15-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| C/Raxmaan Faroole Oo Ku Dhawaaqay In Laga Hortago Maamulka La Baxay SSC Ee Dibad Jooga Ah |
| Warkii 15-Nov-2009 iyo Qormadii: Xafiiska Nairobi |
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/Raxmaan Faroole ayaa shaaca ka qaaday in laga hortago maamulka la baxay SSC oo uu sheegay inuu caqabad ku yahay labada maamul ee Somaliland iyo puntland isagoo intaasi ku daray in Deeqaha caalamiga ah iyo kuwa horumarinta samafalka ahna la gaarsiiyo walaalaha Somaliland.
15-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Kulankii Labaad Ee Ururka Xisbul Islaam iyo Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed oo Soo Gabagaboobay. |
| Warkii 15-Nov-2009 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho |
Muqdisho Afnugaal-Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey kulankii u socdey Culumada Soomaaliyeed iyo ururka Xisbul Islaam,kaas oo ahaa wejigii 2aad,waxana kulankaas looga arrinsanaayey Mushkiladaha ka jirta dalka Soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa,Waxana maanta Warkaas sheegey Madaxa Warfaafinta ee Xisbul Islaam Maxamed M Xasan oo Shir jaraa’id ku qabtey Xaruntiisa Muqdisho.
15-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Degmada Kalabaydh Ee Gobolka Sool oo laga Furay Kastam Cusub |
| Warkii 15-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk |
Waxaa maanta laga Furay Degmada Kalabaydh oo laascaanood kaga beegan dhinaca koonfureed Kastam cusub oo maamulka Somaliland markii ugu horaysay dhidibada u taagay arintan oo ay siweyn u soo dhaweeyeen dadka deegaankaas ku dhaqan.
15-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|
| Al-Shabaab oo u hanjabtay maamulka Puntland kuna tilmaantay meel aan shareecada Islaamka looga dhaqm |
| Warkii 14-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk |
Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa ay hanjabaad kulul ujeedisay maamul Goboleedka Puntland ee Somalia taas oo ay ku tilmaantay inay tahay meel aan shareecada Islaamka looga dhaqmin ee ay tahay meel dad Islaamka lagu dhibaateeyo kuwaas oo magan gelyo ahaan ku jooga maamulkaasi Gobolada ay ka taliyaan.
14-Nov-2009 ::Warkii oo dhan:: |
| |
|